7 foolxumo oo ku gadaaman kiiska ceebaysan ee dhibbane Ikraan Tahliil & cilladda jirta

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2021 – Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed NISA in raqdeeda iyo ruuxeedaba la la yahay muddo laba bilood ah, hay’addii ay ka tirsanayd iyo laamaha kale ee dawladduna arrinkeeda ka aamuseen, wax ay u muuqataa ceebtii iyo foolxumadii u gu weynayd ee abid hay’addaa soo marta.

Cawayskii taariikhdu ahayd 26 Juun ee ay Ikraan Muqdisho ku dhex luntay, siddeeddii fiidnimo oo wax dhiman ayay gurigooda ka baxday, wax ayna hooyadeed Qaali u sii sheegtay in taliyaheedu xarunta u ga yeedhay ayna dhakhso u soo noqon doonto. Wax ay kale oo hooyadeed u sheegtay in dad ciidankeeda ahi qaadayaan.

Markaa ka dib cid la og yahay oo ay la soo xidhiidhay ama aragtay ma jirto, laakiin raadadka signaalka telefoonkeeda waxaa qabtay warlalisyada saddex degmo oo is la Muqdisho ah.

Shalay si xan ah ayuu qof NISA ka tirsani sheegay xog ah in gabadhii u gacan gashay argagixisada al-Shabaab oo ay la tageen gobolka Jubba, halkaana ku dileen. Warkaa sinaba u ma ay rumaysan ehelada gabadha oo hooyadu u gu horrayso iyo dad kale oo arrimaha amniga ee Muqdisho u dhuundaloolaa.

Haddaba maqnaanshaha Ikraan foolxumooyinka waaweyn ee ku gadaaman oo aan tiro lahayn waxaa ka mid ah:

1. Muxuu taliyaha sirdoonku goortaa qaldan gabadha u gu yeedhay, taas oo sida codka hooyada la ga garanayo aan ahayn waqti ay shaqo u bixi jirtay?

2. Yaa ay ahaayeen dadkii gabadhu sheegtay in ay qaadayaan oo shaqada geynayaan?

3. Haddii gabadha xarunta la gu ballamiyay haddana maxaa raadadka telefoonkeeda loo ga helay laba degmo oo xarunta ka fog?

4. Sida la sheegay wax ay ahayd gabadh aad u tababaran, wax ayna u baxday hawlgal ama kulan ay taliyaheeda la lahayd, markaa sidee bay Shabaab u gu gacan gashay dagaal la’aan iyada oo ciidan kale la socday?

5. Si wal oo wax u dhaceenba, hay’adda NISA iyo guud ahaan dawladdu labadaa bilood iyo dheeraadkaa miyay wayday dariiq habboon oo ay qoyska gabadhu ka maqan tahay ku la xidhiidho?

6. Ninka ka tirsan NISA ee shalay sida nacasnimada ah hooyada u gu sheegay in Ikraan gacanta u gashay Shabaab oo ay gobolka Jubba la tageen, yuu matalayay? Warkiisu ma xog rasmi ah baa? Ma majarahabaabin loo soo dhiibay baa? Ma xan uu isagu helay baa? Mise waa qof is ka hadlay?

7. Ikraan haddii la dilay oo ay sidaa ku dhimatay, sow laba mid uun noqon mayso: in ay gacanta NISA ku baxday sabab uun ama in dad NISA ka tirsani Shabaab gacanta u galiyeen?

Ceebta u gu weyn ee meesha taallaa arrintan aamuskeedana sababta u ahi waa hawlihii amniga qaranka iyo danihii siyaasadda xukuumadda oo is ku milmay. Taliyaha NISA oo ah Fahad Yaasiin waa siyaasi firfircoon oo damacyo badan, cido badanina ku xidhan yihiin, shisheeye iyo sokeeyaba.

Halkaas bay khatarta u gu weyni ku jirtaa. Haddaba Farmaajo iyo Fahad Yaasiin laba bilood in ka badan bay is ka raaxaysanayeen oo ayna dan ka galin maqnaanta sarkaaladdaa dhan ee qarankeeda ka maqan. Iyaga ayaana maanta la ga rabaa in ay keenaan Ikraan oo bedqabta oo cagaheeda ku tallaabsanaysa.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media