4 su’aalood oo aanu ka jawaabi karin warka lagu sheegay inay Ikraan ku baxday gacanta Al Shabaab

0

(Muqdisho) 02 Sebt 2021 – 2 bilood ayay dhaaftay markii dad ugu wardambaysey Ikraah Tahliil Faarax oo gurigeeda laga kexeeyey xilli fiid ahaa 26-kii Juun aminta maxalliga ihi markii ay ahayd 20:03, taasoo aan kaddib il la saarin, iyadoo ay faruhu ku godnaayeen Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd.

Dad badan ayaa durba bilaabay inay kiiska Ikraan ku mitaalaan midkii weriyihii Jamaal Khashuuqji ee lagu dhex qalay Qunsuliyadda Guud ee uu Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul 2-dii Oktoobar 2018-kii.

Maanta ayay isla Hay’adda NISA soo saartay war sheegaya in Ikraan Tahliil ay qafaasheen kaddibna khaarajiyeen kooxda Al Shabaab, balse waxaa jira 4 arrimood oo aan is qabanaynin marka la eego duruufaha ku hareereeysan kiiska Ikraan oo hadda ay xaqiiqo tahay in la diley ciddii disheyba.

1 – Hay’adda Nabad-Sugiddu dabcan xogta iyo warka ay hadda soo saartay way sii ogayd marka waxaa la is waydiin karaa waxa ay 2 bil iyo dheeraad ula aamusnayd sheegista in Ikraan ay Shabaabku dileen, waa haddii ay sidaa tahay e.

2 – Caadiyan Al Shabaabku waa sheegtaan qofkii ay iyagu dilaan, weliba Ikraan waa qof uu miisaankeedu culus yahay maadaama ay ka tirsanayd saraakiisha sar sare ee NISA, marka ma jirto sabab ay inta dilaan misna uga aamusaan.

3 – In Ikraan ay Shabaab qafaasheen kaddibna dileen waxaa markii 1-aad laga maqlay il aan ahayn midda DF Somalia, taasoo ahayd idaacadda VOA Somali oo barnaamij ka samaysay, in yar kaddib barnaamijkaasna waxaa warkan soo saaray hay’adda NISA. Sidee ku dhacday?

4 – Ku darsoo Qaali Maxamuud oo ah hooyada dhashay Ikraan waxay si cad u sheegtay in ay gabadha guriga kasoo kexeeyeen howlwadeenno ay taqaan oo ka tirsan NISA, weliba meesha ay degganayd waa guri aanba ka baxsanayd xayndaabka aadka loo ilaaliyo ee NISA.

4-taa su’aalood ayaa ugu yar waxyaabaha ka dhalanaya kiiskan ceebaysan ee Ikraan oo ay arrinteedu furayso bog cusub oo gelaya waxyaabaha la arkay sanadihii yaraa ee dambe ee aan loo baran mudadii burburka ka dambeeyey.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media