4 qodob oo dhiig joojin u noqon kara dhiiqada ay lugaha la gashay NISA kaddib warka dhiillada leh ee kasoo baxay

0

(Muqdisho) 03 Sebt 2021 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal fal-celin ah ka sameeyey warka lala wada yaabban yahay ee kasoo baxay NISA ee ah in ay Shabaabku qafaasheen oo khaarajiyeen Ikraan Tahliil oo ay marna ka hadlin tan iyo markii la waayey 26-kii Juun.

Wuxuu Warsame qoraalka ku bilaabay sidatan, isagoo soo jeediyey ilaa 4 qodob oo ku wajahan RW Rooble:

Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay.

Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay.

Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa

1 – In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.

2 – In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.

3 – Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.

4 – In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.

Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan.

Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media