Sawirro cajiib ah oo laga soo qaaday maalinta 1-aad ee ay Daalibaan wada maamulayso Afghanstan & wada hadallo socda

0

(Kabul) 31 Agoosto 2021 – Daalibaan ayuu u baryey waagii ugu horreeyey maanta iyaga oo gacanta inta badan ku haya dalka Aghanistan, waxayna sheegeen inay ku filan yihiin amaanka Garoonka Kabul Hamid Karzai International Airport, sida uu sheegay Zabihullah Mujahid.

Mujahid ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in Daalibaan ay leeyihiin ciidamo gaar ah (Beder 313) kuwaasoo sugi kara amaanka garoonka, Kabul iyo guud ahaanba dalka sida uu sheegay.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Turkigu wada hadal kula jiraan Daalibaan si ay garoonka u maamulaan.

Kooxda Daalibaan ayaa wada xaajood kula jirta dalalka Qadar iyo Turkey si ay u maamulaan Garoonka Kabul Hamid Karzai International Airport, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka Faransiiska ee Jean-Yves Le Drian.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in tillaabadan si deg deg loo maareeyo si buu yiri ay halkaa uga baxaan dadka doonaya inay ka dhoofaan oo ay u iman karaan dayuuradaha rayidka ihi.

“Wada hadalkaas ayaa socda oo ay kula jiraan Qadar iyo Turkey, waxaan dalbanaynaa inuu garoonku amaan yahay.” ayuu Le Drian u sheegay France 2 television.

Hadalsame Media