Dal Muslim ah oo hub badan oo casri ah ka iibsanaya dalka Turkiga (Waxaa ka mid ah hub-danabeedka Koral)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2021 – Dalka Ciraaq ayaa xiise wayn u muujiyey agabka ciidan ee Turki-sameega ah sida daroonnada is wada ee dagaalka (UCAVs), dayuuradaha qumaatiga u kaca iyo agabyo kale oo casri ah.

Wasiirka Gaashaandhiga, Juma Anad Saadoun, oo u warramay TV-ga Dowladda Ciraaq ayaa sheegay in “isfaham la gaareen” Turkey si ay u iibsadaan daroonnada laga yaabay ee Bayraktar TB2 UCAV.

Saadoun ayaa sidoo kale sheegay inay iibsanayaan 12 xabbo oo ah helakabtarrada dagaal ee T129 ATAK iyo 6 xabbo oo ah hannaanka dagaal danabeedka lagu fuliyo ee Koral, kaasoo inta badan loo adeegsado in lagu jahawareeriyo laguna jaam gareeyo ishaarooyinka raadaaradda cadowga.

Wasiirka ayaa hadlayey kaddib markii uu ka qayb galay Carwada Caalamiga ah ee Agabka Ciidanka ee IDEF 2021 oo bishan lagu qabtay Istanbul, isagoo la kulmay dhiggiisa Hulusi Akar.

Hadalsame Media