Askarigii ugu dambeeyey ee xalay Kabul ka baxay oo Maraykanka xusuusiyey taariikh horay u dhacday oo aan qurxoonayn

0

(Kabul) 31 Agoosto 2021 – Muuqaalka iyo sawirrada askarigii ugu dambeeyey ee Maraykan ah ee ka baxa Afghanistan, Chris Donahue, xalay 30 Agoosto 2021 – oo lagu qaaday kaamirooyinka kulaylka raadiya – ayaa lagu mitaaley ka bixitaankii hoggaaminayey ciidankii Soofiyeetka, Jeneraal Boris Gromov, oo dalkaa ka baxay Febraayo 15, 1989-kii.

Waxaa xalay dalkaa ka baxay askarigii ugu dambeeyey 6,000 oo Maraykan ah oo halkaa loo geeyey inay fuliyaan daadgurayn halhaleel ahayd oo ka soconaysey gegada Kabul ee caalamiga ah, kaddib markii loo qabtay 31-ka Agoosto oo dhacday xalay saq dhexe.

Bixitaankaasi wuxuu soo afjaray dagaalkii abid ugu dheeraa Maraykanka iyagoo halkaa uga tegey dal bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba diiqadaysan oo haatan marti u ah xukunka Daalibaan oo ah jabhad aan maamul u nidaamsanayn weli.

Arrinta kale ee xusidda mudani waxay tahay in ciidankaa Soofiyeetka ee halkaa ka baxay 1989-kii ay gebi ahaanba ku burbureen wax sanad aan sidaa uga badnayn kaddib.

Hadalsame Media