Juventus oo durba garoonka bannaankiisa ka dareentay tegista Ronaldo

0

(Torino) 30 Agoosto 2021 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa ka tegey kooxda Juventus oo uu ku sugnaa muddo 3 sanadood ah isagoo ku biiray kooxdiisii hore ee Man United.

Yeelkeede, laacibka ayaa isagoo maalmo sii maqan waxaa sii soconaya saamaynta xun ee uu kooxda ku yeelanayo.

Dhanka baraha bulshada oo uu laacibkani saamayn wayn ku leeyahay ayaana laga dareemayaa, iyadoo arbaha reer Portuguese oo wata malaayiin taageere uu qaar badan kala tegey kooxda Juve.

Sida ku dhigan Sportmediaset, waxaa bogga Instagram ee kooxda Juve raacistii ka daystey dad gaaraya boqollaal kun, kuwaasoo soo raacay markii uu laacibku si rasmi ah ugu biiray kooxda Juve 10-kii Luulyo 2018-kii.

Juve ayaan bannaanka garoonka kaliya ka dareemin tegitaanka Ronie, balse waxay runtii ka dareemeen gudihiisa, waayo kulankii ugu horreeyey ee Ronaldo la’aan ah waxaa gurigooda uga badisay kooxda yar ee Empoli.

Hadalsame Media