FAADUMA: ”Hadda kaddib duug dambe ka qaybgeli maayo!” (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 30 Agoosto 2021 – Faaduma Maxamed oo ah gabar Soomaali ah oo baratay caafimaadka dadwaynaha ayaa soo jeedisey in wax laga qabto toogashooyinka ka dhacaya aagga Järva ee Stockholm, iyadoo sheegtay inaysan hadda kaddib awoodin inay xaadirto duugta loo sameeynayo dhallinyarada la toogtey, mar ay u warrantay barnaamijka Ajenda ee ka baxa hilinka SVT.

Waxay sheegtay in ay haatan joogto heer aanay ku dhiirran Karin inay hableheedu bannaanka ku ciyaarayaan iyadoo ka baqanaysa inay qabsadaan xabbadaha marar badan la isku waydaarsado jidadka xaafadda. Gabdhaha middood ayay sheegtay inay haatan iyadu iskeed bannaanka uga baqdo, kaddib markii ay aragtay dad badan oo halkaa lagu diley.

”Waxaan aqaan hooyooyin badan oo ay carruuri ka dhimatay, muhiimaddu haatan waa inaannu ka hor tagno in ay dhimasho kale dhacdo.” ayay tiri.

 

Hadalsame Media