DEG DEG: Dhulkii Tiyaatarka ka tirsanaa ee makhaayadda lagu wareejiyey oo la hakiyey (Hadal dhiftinsan oo meesha ku qorsan)

0

(Muqdisho) 30 Agoosto 2021 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta makhaayad laga samayn lahaa qayb ka mid ah Tiyaatarka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii buu yiri ay dood iyo cabasho ka keeneen qaar kamid ah Hal-abuurka iyo Fannaaniinta Qaranka.

War qoraal ah oo uu haatan Wasiirku ka soo saaray arrintan taagan ayaa wuxuu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda.”

Yeelkeede, warkan kasoo baxay Cismaan Abokor Dubbe, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa xeeli ku jirtaa waayo ma sheegin in gebi ahaanba iibkaa la joojiyey, balse wuxuu isticmaalay erayga “hakin.”

Hadalsame Media