DAAWO: Goolkii uu xalay dhaliyey Tonali oo 3 meelood ka shabbaha midkii ugu horreeyey ee uu Pirlo u dhaliyo isla AC Milan + Sawirro

0

(Milano) 30 Agoosto 2021 – Laacibka khadka dhexe ee AC Milan ee Sandro Tonali ayaa xalay goolkiisii 1-aad abid u dhaliyey kooxdiisa oo uu sidoo kale taageere u ahaan jirey.

Yeelkeede, waxaa dadka soo jiitey sida ay goolkaa oo laad xora oo qurux badan ahaa kulankii ay xalay 4-1 uga badiyeen Cagliari uu ugu egyahay midkii uu haatan kahor dhaliyey laacibka uu ku daydo ee Andrea Pirlo.

Waxay ahayd 30-kii Maarso 2002 markii uu Pirlo uu goolkiisii 1-aad u dhaliyey kooxda Milan oo 3-1 uga badisay kooxda Parma.

Waxayna labada gool ka siman yihiin waxyaabo badan; sida ay bunisyoon wada yihiin, in laga laaday masaafo isku mid ah, iyo inay yihiin goolashii ugu horreeyey ee ay labadan laacib ay Rossoneri u dhaliyaan.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media