Taageerayaasha Juventus oo farshaxan cajiib ah u adeegsadey maaraynta lambarka & magaca Ronaldo ee funaanaddooda ku qoran

0

(Torino) 29 Agoosto 2021 – Taageerayaal yar oo Juventus ah ayaa haatan weli xiran funaanaddii Cristiano Ronaldo oo ka tegey Allianz Stadium, balse qaarkood ayaaba la yimid xeelado ay ku bedelayaan magacii laacibka.

Mid ka mid ah ayaa lambarkii 7-aad raaciyey 3 isagoo ku dul qoray ‘Fa caldo’, oo ka dhigan ‘waa kulayl’. Mid kale ayaa magaca Ronaldo u rogey ‘Spavaldo’, oo ka dhigay ‘nin kibirsan’.

Wuxuu sidoo kale lambar 7 ku dhex qoray ‘Grazzie’ taasoo ah sida uu Ronaldo ugu mahad celiyey Juventus boggiisa Instagram, isagoo khalday higaadda erayga oo ah ‘Grazie’.

Juventus ayaa xalay bilowday ciyaarista kulankii 1-aad Ronaldo kaddib kaasoo ay Serie A 1-0 gurigooda uga adkaatay Empoli, ayaa Cristiano Ronaldo u diray Manchester United Jimcihii.

Hadalsame Media