DAAWO: Trump, Pompeo & Nikki Haley oo lagu caddeeyey eed ay dusha ka saarayeen MW Joe Biden

0

(Washington, DC) 29 Agoosto 2021 – Wargayska caanka ah ee Washington Post ayaa sameeyey isbarbardhig cajiib ah oo ku saabsan isbedbeddelka madaxdkii maamulkii Donald Trump oo haatan waxa Afghanistan ka dhacaya ku eedaynaya Joe Biden.

Joe Biden ayay dadku ogyihiin inuu raacay qorshe uu horay u dejiyey MW ka horreeyey ee Donald Trump, balse markii ay Daalibaan muddo yar gudohood kula wareegtey dalkaasi ayuu qof kasta iska weeciyey eedda.

Waxaa dadka hadlaya ka mid ah Nikki Haley oo QM u fadhisey Maraykanka oo Janaayo 17, 2018 ”geeddi socod nabadeed oo aan horay loo arag” ku sheegtay heshiiskii Dooxa ay ku gaareen Daalibaan iyo Maraykanku, balse Agoosto 22, 2021 sheegtay ”in heshiiska Daalibaan uu ahaa mid shaydaan lala galay”, sida ay tiri.

Wasiir Dibadeedkii hore ee Mike Pompeo ayaa isna Sebtembar 2019 tilmaamay in ”Daalibaanka ay ka go’an tahay fulinta heshiiska”, isagoo Maarso 2deedii 2020-kii markale ku celiyey isla mowqifkaas isagoo sheegay inuu shakhsiyan ula kulmay. Ha yeeshee, 15-kii Agoosto, 2021 markii ay dalka wada qabsadeen ayuu is rogey isagoo sheegay ”in aanu marna aaminin hal eray oo ay Daalibaan u sheegeen.”

MW hore ee Trump ayaa Febraayo 29, 2020-kii sheegay in ay ”Daalibaanku heshiiska ixtiraami doonaan” sidaana uu ku dhamaan doono dagaalkii ugu dheeraa Maraykanku, balse Agoosto 17, 2021 iyo Agoosto 21, 2021, ayuu Trump bilaabay inuu eedeeyo Joe Biden tiiyoo uu isagu ahaa ninka waxan qorsheeyey.

Hadalsame Media