Somaliland oo go’aan cajiib ah ka qaadatay xaaladda ka taagan Afghanistan

0

(Hargaysa) 28 Agoosto 2021 – Somaliland ayaa mabda’ ahaan ogolaatay in ay aqbasho qaxootiga Afghanistan, sida uu sheegay Wasaarad Dibadeedka maamulkaasi, xilli ay dad badani ka baxsanayaan nidaamka Daalibaan.

Kooxda ayaa dadka u ballan qaaday nidaam ka furfuran loona dhan yahay marka loo eego midkii 1990meeyadii oo ay hablaha dugsiyada iyo shaqooyinka u diidi jireen, balse tan iyo markii ay la wareegeen inta badan dalkaasi 15kii bishan waxaa halkaa ka baxsanayey dadka reer Afghanistan.

Somaliland ayaa iminka sheegtay inay wada hadal kula jirto saraakiil Maraykan ah iyagoo lasoo qaaday inay si KMG ah u qaabilaan qaxootiga Afghani ga ah, waloow ay sheegeen inaan weli wax mucayin ah iyo taariikh toona laga hadlin.

Maraykanka ayaa sidoo kale shalay dayuurad sidda 51 qofood oo Afghani ah ka dejiyey dalka Uganda, iyadoo sidoo kale la sheegayo in halkaa la gaynayo ilaa 2,000 oo qaxooti a.

Horraantii todobaadkan, ninka sameeyey dugsiga qura ee xannaano ee Afghanistan ku yaalla ayaa sheegay inuu 250 gabdhood oo halkaa wax ka barta la gaynayo Rwanda si ay wax usii bartaan, bilaha soo aaddan.

Somaliland ayaa 1991-kii sheegatay inay ka go’day Somalia, balse maadaama aanay marin jid sharci ah ma jiro dal ilaa haatan aqoonsaday caalamka, waloow ay ku naalloonayso amaan nisbi ah oo dhaama koonfurta.

Hadalsame Media