Jilaa caan ah oo isaga oo film cusub samaynaya loo gaystey dhac lama filaan ah

0

(Birmingham) 28 Agoosto 2021 – Arbaha Hollywood ee Tom Cruise ayaa laga xaday gaari uu lahaa oo ah BMW xilli uu qayb ka mid film cusub ku samaynayey magaalada Birmingham.

Baabuurka oo ah dufcadda BMW X7 ayaa meelo kala duwan u qaad qaadayey jilaaga oo samaynaya qaybta 7-aad ee film-ka taxanaha ah ee Mission: Impossible 7.

Gaariga oo markii la qaadanayey ay saarnaayeen boorsooyinka iyo agab uu leeyahay Tom Cruise oo ku fadhiya kumannaan doollar, ayaa loola orday dhanka Church Street isagoo yaalley Grand Hotel, oo uu Cruise ku sugnaa, sida uu faafiyey the Sun.

Yeelkeede, gaarigan oo u samaysan qaabka SUV ayaa lasoo helay “in yar uun kaddib” isagoo yaalla Smethwick, oo 3 mayl jirta, balse wixii saarnaa oo idil ayaa lala tegey.

Hadalsame Media