Dal ay sharciyan mamnuuc ka tahay in loo kaadiyo jihada dalka Ruushka!

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2021 – Dalka Norway, waa sharci darro in loo kaadiyo dhanka Ruushka haddii aad sidaa yeeshana waxaa gorodda laguu gelinayaa ganaax aan caadi ahayn.

Norway ayaa xitaa astaamo jideed meelaha surtey, gaar ahaan daamaha webiga u dhexeeya iyaga iyo Ruushka ee Jakobselva oo sidoo kale xad u ah, iyadoo ku qoraysa digniino ah inaysan sharci aayn in kaadida loola jeesto jihada Ruushka.

“Ha u kaadinin dhanka Ruushka.” ayaa boorarka af Ingiriisi kula qoran, iyadoo ay weliba astaamahaas ku ag xiran yihiin kaamirooyin amaan oo ay ilaalaynayaan ciidanka xudduudda Norway.

Taliyaha Ciidanka Xuduudda, Jens-Arne Hoilund, ayaa AFP u sheegay in qofkii jihadaa u kaadiya laga qaadayo 3,000 oo ah karoonka Norway ($340 oo doollar), iyadoo halkaa tagaan dalxiisayaal fara badan.

“Kaadidu waa wax dabiici ah, balse waxaan diidaynaa hab-dhaqanka aabiga ama meel ka dhaca ah.” ayuu yiri Hoilund.

Barents Observer ayaa qoray in Norway ay sanado kahor xirtey dad dhagxaan u tuuray dhanka Ruushka, iyagoo sidoo kale 8,000 oo karoon ku ganaaxey haweeney gacanteeda bidix saartay dhanka xadka Ruushka.

Norway ayaa Ruushka la leh xad dhan 197.7 km, dhanka woqooyi ee Arctic-ga, iyagoo inta badan xiriir wanaagsan la leh Moscow, waloow ay isku yara xumaadeen 2014 markii uu Ruushku Ukraine ka goostay gacan u ekaha Crimea.

Hadalsame Media