Daalibaan oo 2 dal oo Muslim ah ku wareejinaysa maamulka Garoonka Kabul & dal kale oo ku haysta (Heshiis qabyo ah)

0

(Kabul) 28 Agoosto 2021 – Dalalka Turkey iyo Qadar ayaa la sheegay inay si wadajir ah u maamuli doonaan Garoonka Kabul ee caalamiga ah, iyadoo ay Ankara amaaanka garoonka sugayso iyadoo soo diraysa shirkad gaar ah, sida ka muuqata heshiis qabto ah oo lala geli rabo Daalibaan oo hadda maamula Afghanistan.

Waxaa kale oo heshiiska ku jirta in Turkigu ay aqoonsadaan xukuumadda Daalibaan iyo in ciidamo dhar cad ah oo Turki ihi ay amaanka ka qayb qaadan karaan, balse aysan garoonka ka bixin, waxaana Jimcihii uu Erdogan sheegay inay Daalibaanku doonayaan inay iyagu amaanka sugaan, balse uu Turkigu garoonka maamulo.

Sida ay ilo wargal ihi u sheegeen Middle East Eye (MEE) goor dhow, heshiiska ayaa la dhamaytiri doonaa isla marka ay halkaa Maraykanku ka baxaan todobaadka soo aaddan horraantiisa.

MW Recep Tayyip Erdogan ayaan weli heshiiska saxiixin, iyadoo lagu wado inuu arrintan kala tashado xulafa NATO, gaar ahaan Maraykanka.

Turkey oo awal doonayey ayaa ciidamadiisa oo idil haatan kasoo qaatay halkaasi kaddib markii ay Daalibaanku war cad la iman waayeen iyagoo weliba mararka qaar diidayey, in ay Turkigu halkaa usii joogaan kaddib bixitaanka Maraykanka.

Turkiga ayaa sidaa ku doonayey inay iyagu sugaan amaanka Garoonka kaddib markii ay baxaan Ciidamada NATO.

CAQADAD JIRTA – Dowladdii dhacday ee Afghanistan ayaa bishii Oktoobar waxay maaraynta garoonka qandaraas kula gashay sharikado Imaaraati ah oo hal dallad ku jira, kuwaasoo haatan u baahan in Daalibaanku qandaraaska u kordhiyaan. Lama oga sida ay ka yeeli doonaan.

Hadalsame Media