DHEGEYSO: ”Guryaha hallaga saaro waalidiinta ilmaha gaangiska!” – Siyaasi keenay hindise adag

0

(Stockholm) 27 Agoosto 2021 – Hoggaanka Xisbiga Liberalerna Nyamko Sabuni oo uu xisbigeedu horay usoo gudbiyey hindise la yiraahdo ‘’Förortslyftet’’ oo ku saabsan in sare loo qaado xaafadaha danyarta, kaasoo lagu doonayo in 2030-ka Sweden laga waayo xaafado noocaas ah, ayaa qorshe kale keentay.

Sabuni ayaa soo jeedisey in sharikaadka guryaha awood loo siiyo inay guryaha ka saari karaan waalidiinta ay carruurtoodu ku lug yeeshaan kooxaha gaangiska ah ama guryohooda lagu qariyo daroogo iyo hub, iyadoo ku doodday inay jiraan meelo ay ku nool yihiin ilaa 600 kun oo qof oo ay dowladdu faraha ka qaadday, mar ay u warrantay DN.

Sabuni ayaa sheegtay in dhaqse loogu baahan yahay siyaasad dhinaca kale u rogta taddawurka sirgaxan ee ka soconaya xaafadaha danyarta, iyadoo Wasiir Gudeedka Sweden ee Mikael Damberg ku dhaliishay hadalkiisii ahaa inaan la cabsan kaddib toogashadii ka dhacday Kristianstad oo 3 qof lagu dhaawacay.

Xisbiga L ayaa 2006-14-kii ka tirsanaa isbahaysi uu hoggaaminayey S oo la yiraahdo Alliansen isagoo kaddibna taageerayey dowlad ay ku midaysnaayeen S/MP, balse Sabuni ayaa iminka sheegtay inay heleen axsaab ay wada shaqayn karaan doorashada soo aaddan ee 2022-ka oo ay ka xustay M iyo KD iyadoo sidoo kale rajaysey inuu kusoo biiro xisbiga C iyo xitaa SD oo ay sheegtay inay taageero uga baahan yahay, waloow ay tilmaantay in aan xisbigaasi lahayn siyaasad is dhexgal.

Hadalsame Media