DHEGEYSO: Dal aan Muslim ahayn oo raadinaya imaamyo Muslimiin ah oo xabsiyada ka shaqeeya

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2021 – Waxaa maanta xabsiyada Sweden ka howlgala ilaa 18 imaam, taasoo laba-laab ka badan intii ay ahaayeen 2019-kii, ha yeeshee, weli waxaa loo baahan yahay imaamyo kale oo Muslimiin ah, sida ku cad tirakoob kasoo baxay hay’adda arrimahan maaraysa ee SKR.

Ismayo Sahat oo ka tirsan hay’adda SKR ee ka mas’uulka ah qoritaanka imaamyada xabsiyada, ayaa ka hadlaya sababta keenaysa in loo baahdo imaamyo dheeraad ah.

Marka la eego xeerka u degsan xabsiyada Sweden, wuxuu qofka maxbuuska ihi xaq u leeyahay inuu si u qalanta ugu camal falo diintiisa, waxaana xabsiyada ku badan dad doonaya inay isu saxaan si ruuxi ah oo dhaqankooda hagaajiyaan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments