”Ugu yaraan 60 qofood ayaa dhintay!” – Maraykanka oo la xiriiray Daalibaan + Wararkii ugu dambeeyey

0

(Kabul) 26 Agoosto 2021 – Ugu yaraan 60 qofood oo rayid Afghani ah iyo 12 askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay iyadoo ay dad badan oo kale dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka oo u warramay AP.

2 naftood hallige iyo dhowr nin oo hubaysan ayaa weerarka gaystey iyadoo la maqlay 2 qarax oo waawayn oo ka dhacay bannaanka garoonka Kabul oo ay beryahan ka soconaysey daad gurayn aan nidaamsanayn.

Afhayeenka Pentagon, John Kirby, ayaa xaqiijiyey in qaraxyada midkood uu ka dhacay albaabka Abbey Gate halka uu kan kale ka dhacay agagaarka Baron Hotel, iyadoo 2da qarax midkood uu ka yimid nimanka is qarxiyey.

Jeneraal Kenneth McKenzie, Taliyaha Taliska Dhexe ee Maraykanka, ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku ay xiriir la sameeyeen Daalibaanka si looga wada hadlo wax lagu tilmaamay “halis aad u wayn” oo ka imanaysa ISIS-K, oo xiriir la leh kooxda Daacish.

Jeneraal Kenneth McKenzie, ayaa sidoo kale diidey war sheegayey inay Daalibaan weerarkan fududaysay.

Hadalsame Media