Askari Kenyan ah oo arrin uu la yaabay la kulmay kaddib markii uu ka laabtay dalka Somalia

0

(Nairobi) 26 Agoosto 2021 – Askari ka tirsanaa qaybta injineeriyadda ee Ciidamada KDF ee ku sugan meelo ka tirsan koonfurta fog ee Somalia ayaa sheegay in xaaskiisu ay lacagtii uu Somalia kasoo shaqeeyey ay ka dhistay guri fillo ah oo ku kacaya 4 milyan oo shilin.

Ninkan oo sheegay inuu Software Engineer u ahaa qaybtiisa sidoo kalena cilmi baare iyo naqshadeeye u ahaa, ayaa sheegay inuu ku sugnaa saldhig 100 tillaabbo u jira xeebta Kismaayo.

Xaaska ayaa intii uu maqnaa lacagta ay guriga ku dhistay qaab amaah ah uga soo qaadday Banki ku yaalla dalka Kenya, taasoo uu askarigani sheegay inuusan marna ku riyoonayn inay guri noocaas ah ku noolaan doonaan.

”Hadda marka aan safarkayga nololeed dib u jalleeco, waxaan abaal ka hayaa inaan soo noqday anigoo u shaqeeyey dalkayga.” ayuu yiri askarigu.

Hadalsame Media

Facebook Comments