Sweden oo sharcigii abid ugu adkaa kasoo saaraysa ciqaabta kooxaha gaangiska (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 25 Agoosto 2021 – Dowladda Sweden ayaa wadda hinside lagu soo rogayo ciqaabo intii hore ka daran oo ka dhan ah kooxaha gaysta dembiyada abaabulan ee gaangiska sida uu sheegay Wasiirka Cadaaladda Morgan Johansson (S) oo shir jaraa’id qabtay. “Waa ciqaabtii ugu ba’nayd ee ay Sweden abid aragto,” ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa hindisahan cusub ka mid ah in wax laga bedelayo sharciga ciqaabta Sweden ee la xaala dembiyada abaabulan kaasoo qayb ka ahaa barnaamijka 34ka qodob kaasoo howshiisa ka bilaabay 2019-kii, waxaana ku jira ciqaabo adag oo la saarayo dembiyada ugu badan ee ay gaangiisku gaystaan.

Waxaana ka mid ah iibka daroogada, baadda, hanjabaadda, khilaafyada ka dhex dhaca kooxaha laftooda iyo sidoo kale dadka oo si khasab ah looga faa’iidaysto arrimo dembi ah, iyadoo SEK 600 milyan oo karoon loo qoondeeyey in lagu kordhiyo mugga xabsiyada Sweden si ay u qaadaan maxaabiista cusub maadaama la kordhin doono xilliga uu qofku xirnaan doono.

Sharcigan cusub ee lasoo jeediyey ayaa si rasmi ah u dhaqangeli doona 1da Luulyo 2023-ka.

Hadalsame Media