Kooxaha Horyaalka Sweden oo lacag badan ka helaya koobka CL & sababta

0

(Malmö) 25 Agoosto 2021 – Kooxda Malmö ayaa xalay usoo gudubtey wareegga guruubyada ee CL, taasoo ka dhigan inay helayso malaayiin dollar, balse waxaa sidoo kale malaayiin helaya 15-ka naadi ee kale ee ka dhisan Allsvenskan.

Lacagtan oo la yiraahdo ’’gunnada midnimada’’ ama solidaritetsersättning ayaa gaaraysa SEK 22 m oo karoon oo kooxaha loo qaybinayo, taasoo markii lagu daro lacag ay bixinayso shirkadda sharatanka ee Unibet isku noqon doonta 25m oo karoon.

Mats Enquist, Xoghayaha Guud ee Horyaalka Sweden ayaa sheegay inay doonayaan in lacagtaas la kordhiyo mustaqbalka.

’’Horyaallada Yurub oo dhan ayaa sheegaya in lacagtan la kordhiyo maadaama CL lacag aad u badan laga helo.

Hadalsame Media