Hal sawir oo muujinaya hab-dhaqanka reer Galbeedka oo si waadax ah uga muuqda sida loola dhaqmayo Daalibaanka

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2021 – Siyaasadda reer Galbeedka ee ku aaddan dunida soo koraysaa run ahaantii waa siyaasad macangag ah oo aan gorgortan lahayn.

Bal u fiirso. Dalka Afganistaan ee ay labaatanka sano gumaysanayeen, ee lahaayeen dimuqraadiyad baannu gaadhsiinaynnaa, ee u dhiseen ciidanka ku dhow 200,000, ee cagaha iyo farahaba ka ga gubteen, maalintii ay ka baxeen baa Daalibaan si yar oo fudud ku qabsadeen.

Daalibaan dalkii nabad bay ku dabbaaleen, wax ay muujiyeen in ay nabad qaateen, wax ay sheegeen in ay cid walba nabad ku la noolaanayaan, wax ay cafiyeen dhammaan dadkii ay is hayeen, wax ayna ballanqaadeen in ay dhisayaan dawlad loo dhan yahay.

Taa ka sokow maba jirto awood kale oo talada dalkooda ku la loollamaysaa. Halkaa reer Galbeedka waxaa la gudboonayd in ay waaqica aqbalaan oo nimankaa la shaqeeyaan, oo is ku dayaan waxii ay ku diiddan yihiin in ay saamayn nabdoon ku yeeshaan.

Laakiin safaaradihii iyo dadkoodiiba waa ay ka daadgureeyeen si ay u muujiyaan in ay tahay meel halis ah, sidaa oo ay doonayaan in ay dalka ku go’doomiyaan oo Daalibaan ku fashiliyaan.

Haddaba, maxaa dhacaya haddii Daalibaan ku fashilmaan nabadda iyo dawladda? Dabcan waxaa dhacaya fawdo iyo dagaallo sokeeye, taasina mar kale ayay xoojinaysaa xagjirnimada iyo argagixisada.

Taa reer Galbeedku sida muuqata dan ka ma laha, siyaasaddooduna waa sida aan doono ii yeel 100%, haddii kale noolaan maysid. Waa siyaasad dunida ku ah halis iyo baabba’.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media