Facebook oo adeeg aad muhim u ah markii ugu horreeysey ka hirgelinaya dalal ay Somalia ku jirto

0

Facebook ayaa dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya markii ugu horreeysey ku ballaarinaya adeeg suuqiisa loo yaqaan Marketplace oo ah mid ay dadku qaab dhijitaal ah wax ugu iibin karaan ugana iibsan karaan Facebook, waxaana dalalkaa oo 37 ah ka mid ah Somalia.

Waxay kala yihiin: South Africa, Ethiopia, Kenya and Nigeria ilaa Benin, Botswana, Burkina Faso, Burundi, Cape Verde, Central African Republic, Comoros, Democratic Republic of the Congo, Djibouti, Eritrea, Eswatini, Equatorial Guinea, Guinea, Guinea-Bissau, Gabon, Gambia, Ghana, Liberia, Lesotho, Malawi, Mali, Mauritania, Mauritius, Namibia, Niger, Republic of the Congo, Rwanda, Sao Tome and Principe, Senegal, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Tanzania, Togo, Uganda, Western Sahara iyo Zimbabwe.

Agaasimaha Siyaasadda Dadwaynaha Afrika, Kojo Boakye, ayaa xusay in adeegga Marketplace uu dadka ka caawin doono in xilliyadan lagu jiro faafaha Covid-19 ay dadku si sahal ah badeecooyinkooda usoo dhigaan Facebook oo ku iibiyaan sidoo kalena ka iibsadaan wixii ay doonayaan.

Facebook Marketplace, ayaa badiyaa lagu iibiyaa walxo gacan 2-aad ah, balse waxaa sidoo kale lagu iibin karaa ama laga iibsan karaa waxyaabo cusub, iyadoo dadka looga digayo in marka ay badeecada halkaa ku arkaan ay qofka iibinaya la ballamaan oo qof ahaan u arkaan, si ay uga badbaadaan in lagu dhaco agabyo been abuur ah.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments