DAGAAL QABOW: Midowga Musharrixiinta oo ay 3 danood kala durkin karaan & Su’aal dul saaran!!

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2021 – Ciyaaryahannada midawga musharixiinta oo si wacan kubadda isula heli jiray xilligii ay dagaalka kula jireen madaxwayne Farmaajo ayaa hadda u muuqda kuwo kubadda isla haleeli la’.

Xubnahan oo uu kaarka cas/guduudan ka qaatay C/kariin Xusseen Guuleed, qaar kalena ay hal hal jaale ka haystaan, ayaa inta garoonka xilligaan ku jirta waxaa ay u kala baxsan yihiin sadex qaybood.

1 – Qayb xildhibaan doon ah oo taageero ka haysta Madaxda Maamul goboleedka.

2 – koox xildhibaan doon ah oo aan isku halayn karin Madax goboleedyada, kana doorbidaya in awood la siiyo Duubabka dhaqanka.

3 – Musharrixiin aan xildhibaan doon ahayn, balse xiriir dhaw la leh Maamul goboleedyada.

Danahaas kala duwan waxaa ay keeneen in ay kubadda isla haleeli waayeen, waana sababta guddiyadii min sadexda ahaa ee loo xilsaaray soo turxaan bixinta arrimaha la isku haysto ay ilaa iyo hadda isu arki la’yihiin.

Laacibka xulka Madax goboleedyada Siciid Dani ayaa la sheegayaa in uu wado qorshe uu ku kala dhantaalayo Midawga Musharixiinta, isaga oo dadaal ugu jira sidii xubnaha xildhibaan doonayaasha ah loogu qancin lahaa in kuraasta loo xiro, si ay qaylada u daayaan.

Su’aashu waxaa ay tahay, Midawga Musharixiintu ma yeelan karaan arragtidii ay ku wiiqeen siyaasaddii doorashada ee madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo?.