”Dadkii waxaan gelinney ‘cadaab yar” – Dadkii dayuuradaha looga soo qaaday Kabul oo daranyo tii ugu liidatey ku galay Dooxa + Video

0
A woman pulls a suitcase with a child sitting on top during an evacuation at Hamid Karzai International Airport, Kabul, Afghanistan, August 24, 2021. Sgt. Samuel Ruiz/U.S. Marine Corps/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY.

(Dooxa) 25 Agoosto 2021 – Waxaa laga dayrinayaa xaaladda qaxootiga reer Afghan ee ku sugan Saldhig-cireedka Maraykanka ee dalka Qadar kuwaasoo la sheegay inay dhex jiifaan “kaadi iyo saxaro” iyo meel aan musqulo lahayn degaanna ku haboonayn oo uu jiir ka buuxo, sida ka muuqata email la dusiyey oo ku socdey Axios.

Farriinta email-ka ah oo uu diray xafiis la shaqeeya Taliska Dhexe ee Ciidanka Maraykanka (Centcom), ayaa lagu sheegay in xaaladda ay qaxootigan Kabul laga soo daad gureeyey ay ku jiraan ay tahay ”musiibo aadminimo” taasoo uu Maraykanku isagu isku eedeeynayey.

“Maanta jawigu waa huur. Halka ay Afghan-ku ku jiraanna waa naar nool. Qashin, kaadi, saxaro, dareere meelaha ku daadsan iyo xitaa matag ayaa sagxadda buuxa.” ayaa lagu qora email-ka.

Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa sheegtay inay arrintan si dhow ugala shaqaynayo midda Gaashaandhigga si wax looga qabto xaaladda iyo walaaca taagan.

Dhanka kale, Xafiiska Warfaafinta Dowladda Qadar ayaa isna sheegay inay ka go’an tahay inay wax ka qabtaan xaaladdan aadminnimo iyagoo dadkan la keenay Dooxa siinaya guryo KMG ah oo ay degi karaan dadka rayidka ah, weriyeyaasha, diblomaasiyiinta iyo saraakiish caalamiga ah.

Hadalsame Media