Wasiir ka mid ah kuwa ugu muhiimsanaa Dowladdii dhacday ee Afghanistan oo isagoo adeege ah lagu arkay jidadka magaalo Yurub ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2021 – Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta iyo Adeegga Telefoonada Casriga ah ee Wadanka Afghanistan, Sayed Ahmad Shah Sadaat, ayaa bilaabay in magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka uu ka dhex shaqeysto.

Sayed Ahmad Shah Sadaat oo ka tirsanaa dowladii la eryay ee Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa lagu dhex arkay gudaha Magaalada Leipzig isagoo wato baaskiil isla markaana gashan dhar orange ah oo u shaqeynayo mid ka mid ah shirkadaha dadka adeega cunooyinka guryaha ugu geeyo.

Wuxuu sheegay in hada ku shaqeysto xoogiisa isagoo maareeyo noloshiisa isla markaana uu dareemayo xornimo iyo deganaan.

W; D: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media