Maraykanka oo ganacsato Soomaali ah ku caawiyey agab wax wayn ka taraya kaydinta kalluunka

0

(Boosaaso) 24 Agoosto 2021 – Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID ayaa sheegtay inay Somalia ka caawinayso mug dhisidda dhinacyo kala duwan oo ka mid kaabayaasha liita ee dalka.

Hay’adda oo wadda mashruuc la magac baxay ”Geel”, ayaa ganacsatada kalluumaysiga ka shaqaysata ee Boosaaso ku caawisay qalab lagu qaboojiyo kalluunka lasoo qabto oo badiyaa horay ka xumaada maadaama ay qorraxdu aad u kulushahay.

Waxay taasi kordhisay awoodda wax kaydineed ee sharikaad ay ka mid yihiin Muheebsom, kuwaasoo la siiyey qaboojiyeyaal gaar ah, mashiinno barafka lagu sameeyo iyo matoorro iskoordo ah oo dabka dhaliya.

Waxay taasi si laxaad leh u kordhinaysaa awoodda wax kaydinta iyo tayada adeegyada ay qabtaan shirkadahaasi kalluumaysi.

Hadalsame Media

Facebook Comments