XOG: Dagaal qabow oo bilowday & cidda ka dambaysa in Midowga Musharrixiinta loo diido Shirka Hab-raaca Doorashada + Waxa ka iman kara

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2021 – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii 2-aad ka soconaya Shir lagu sheegay Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo lagu qaadaa dhigayo ajendayaal ay ugu horreeyaan dhameystirka Doorashooyinka dalka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya, diyaarinta Habraaca Doorashada Golaha Shacabka IWM.

Waxaa shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble, sidii kale fadhiya Siciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cumar Filish.

Yeelkeede, sida ay xogo hoose sheegayaan waxaa shirkaa looga dhaartay ragga ku bahoobey Midowga Musharixiinta oo markale dhawaan codsaday in shirka laga qayb geliyo, si ay talo ugu yeeshaan.

Weliba ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay diidmadaa haatan kusoo biireen Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, sida ay u kala horreeyaan, kuwaasoo ka hor jeestey kaalin siinta Midowga Musharixiinta oo ay mar olog ahaayeen.

Labada nin ee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegayaa dhaliisha loo jeediyey doorashada jilliinka ahayd ee ay qabteen ee lagu xulayey xubnaha Aqalka Sare ku metelaya Maamul-goboleedyadaasi.

RW Rooble ayaan arrintaa isagu diidmo ka muujinin wuxuuna si fudud ku aqbalay diidmada raggan oo doonaya inay kaligood u gacan bannaanaadaan arrimaha doorashada oo aysan wax sharciyad ah u haysanin.

Waxay taasi ka dhigan tahay inuu buuxsamey kooramka diidmada inay cid kale kasoo qayb gasho shirarka lagu go’aaminayo doorashadii qaranka maadaama ay Maamullada kale awalba diidanaayeen, halka labadan nin ay is yara qarinayeen balse ay hoosta ka raacsanaayeen aragtidaasi, sida ay xoguhu muujinayaan.

Waxay taasi ka dhigan tahay in madaxda Maamul-goboleedyadu ay kaligood go’aamin doonaan wax la raadinayo magaca loo bixin doono maadaama aysan doorasho sax ama xitaa xulasho noqon doonin.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa ku baaqay in wax la saxo inta goori goor tahay, gaar ahaan doorashada Aqalka Hoose oo ah midka ugu tirada badan, si aysan taasi u dhaawicin sharciyadda DF Somalia oo kalsooni badan lumin doonta haddii ay aayeheeda afduubaan 5 nin oo aan xaqba u lahayn inay doorkaa ciyaaraan.

Maadaama la burburiyey Guddigii Doorashada Heer Qaran waxaa ugu yaraan waajib ah inay shirarkan oo kale ka qayb galaan Maamullada, Musharrixiinta, DF iyo Bulshada Rayidku.

Tifaftirka

Hadalsame Media