Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland oo tillaabo ka qaadaysa arrinta Jaamacadda Barqwaaqo & Dugsiga Abaarso

0

(Hargaysa) 22 Agoosto 2021 – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa markii ugu horreeysey war kasoo saartay arrinta Jaamacadda Barqwaaqo iyo tan Dugsiga Abaarso oo marar badan kusoo noqnoqotay maxaddooyinka wararka.

Cabdimaalik Coldoon oo muddo dheer aad uga hadlayey gaar ahaan arrinta Abaarso ayaa sidoo kale mar dhow ka hadlay arrimo dhaqan bi’in ah oo ka socda xarun sidata magaca dhaqanka oo Hargaysa ku taalla iyo haweenay Pastor Joy la yiraahdo oo ka tirsan Kaniisadda Ellavation Church ee dalka Nigeria, taasoo keentay in xabsiga la dhigo.

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso, iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda.

”Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani”. ayaa la raaciyey.

Lama se hubo in baaristaasi noqon doonto mid moowduuci ah oo dhab ah iyo inay tahay mid xaalka lagu dejinayo.

Hadalsame Media