Turkiga oo Somalia ka leh qorshe fog oo istaraatiji ah oo gaaraya ilaa Afrika

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2021 – Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas. Muhiimadda koowaad ee Turkiga ayaa ahayd inuu gargaar bani’aadannimo gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu darneyd ee Bariga Afrika ka dhacda muddo 60 sano ah.

Si loo fududeeyo gaarsiinta gargaarka, waxaa durba Muqdisho ka billowday mashaariicda dhismaha waddooyinka, safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaana la furay.

Ururro-dowladeedka iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo, kuwo horumarineed, dhismaha iskuullada iyo deeq waxbarasho u fidiyay ardayda Soomaaliyeed si ay wax uga bartaan Turkiga. Wxa yar kaddib, safaarado kale oo shisheeye ayaa la furay, magaaladuna horumar ayay sameyneysay, iyadoo soo jiidatay maalgashi iyo qurbojoogta oo dalka ku soo laabaneysay.

Albaabbada ganacsiga ee labada dal ayaa la furay. Shirkadaha Turkiga ayaa bilaabay inay maalgashadaan Soomaaliya, qaarkoodna waxay heleen qandaraasyo heer sare ah oo ay ku maamulayaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Dhanka kale, ganacstao badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo ka furtay Turkiga, boqollaal kalena Tukriga ayay ka dhigteen hoyga waxbarashada sare iyo caafimaadka.

Dadaallada Turkiga ee Soomaaliya ayaa inta badan loo arkaa kuwo guuleystay. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa noqotay albaabka uu Turkigu ka galayo Bariga Afrika iyo dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Shalay oo ay ay taariikhdu ahayd Aug. 19, 2021, waa sanadguurada 10-aad ee ka soo wareegatay soo celinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Xiriirkaas, ayaa lagu wadaa inuu sii xoogeysto, sida ay sheegayaan khuburada.

Ujeeddo ka baxsan awoodda jilicsan

Horumarro xiriir ah oo isugu jira heer caalami, gobol iyo gudaha ayaa labada dal waxay ku dhiirrigeliyeen inay ballaariyaan xiriirkooda ka baxsna bani’aadannimada, horumarinta, dhaqanka iyo ganacsiga.

Kaddib afgembigii dhicisoobay ee July 15, 2016 ka dhacay Turkiga ayna soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa FETO, Turkiga ayaa ku fekeray inuu xoojiyo joogitaankiisa Bariga Dhexe iyo Afrika, halkaas oo ay ku xoogeysanayeen kooxaha argagixisada.

Gobol ahaan, Turkiga ayaa ka walaacsan saameynta dalalka sida Imraatka Carabta inuu faafiyo dano lid ku ah Turkiga. Dhanka kale, taageerada Mareykanka ee waqooyiga Suuriyauu ku siiyo YPG, oo xiriir la leh PKK, oo ah ururkii mas’uulka ka ahaa dhimashada kumannaan muwaaddiniin Turki ahaa oo la dilay tan iyo sanaidhii 1980-meeyadii, ayaa ku kalliftay Tukriga inuu militari ahaan saameyn ugu yeesho gobolka haddii uu doonayo inuu xajisto danihiisa qaranka.

Isagoo dhiirrigelin ka helaya horumarka teknolojiyadeed ee militarigiisa sida Bayraktar TB2, ayaa Turkiga wuxuu adeegsaday awooddiisa sida laga arkay Libya, Suuriya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan.

Isagoo daneynaya inuu xajisto danihiisa istaraatiiji ee Soomaaliya, Tukriga ayaa machadka militariga ee TURKSOM ka dhisay duleedka Muqdisho si loogu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Caalamka ahaan, Turkiga ayaa fursad u arkay inuu ka faa’iideysto dunida talada wadaagta taas oo u oggolaaneysa in Turkiga quwad gobolka ka jirta ahaan uu is kala fidiyo isla markaana muujiyo sida uu muhiim u yahay.

Soomaaliya ahaan, waxaa muhiimad koowaad u ahaa in dalka laga xoreeyo al-Shabaab sidoo kalena ay ilaaliso xudduudaheeda.

Si taas loogu guuleysto, Soomaaliyawaxay raadineysay saaxiib militari oo awood leh oo si deeqsinnimo leh u taageera. Ku dhowaad 2,500 oo ciidamo Soomaali ah ayaa tababar ku qaatay TURKSOM, Tukriga ayaana qalab militari ugu deeqayay Soomaaliya.

Ciidamada Soomaalida ee uu Turkiga tababaro
Ciidamada Soomaalida ee uu Turkiga tababaro

Ilaa iyo haatan, ciidamada uu Turkigu tababaray ayaa safka hore ka ahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyagoo qeyb ka ahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) waxayna awoodeen inay xoreen magaalooyin muhiim ah sida Janaale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Waxaa intaas dheer, weerarrada al-Shabaab ee caasimadda Muqdisho ayaa yaraaday.

TURKSOM ayaa sidoo kale muhiim u ah Soomaaliya, ciidamada AMISOM ayaa si tartiib tartiib ah u yareynayay joogitaankooda dalka si SNA loogu oggolaado inay la wareegaan la dagaallanka Alshabaab.

Go’aanka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee ilaa 800 oo ciidamo Mareykan ah looga saaray Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore ayaa sidoo kale ka dhigan in doorka Turkiga ee dib u dhiska SNA ay tahay degdeg ayna tahay in la dardar geliyo.

Quwad cajiib ah

Arrimahaas ayaa Turkiga ku dhiirrigeliyay in hannaanka awooddiisa jilicsan ee Soomaaliya iyo gobolka uu ku milo awood adag si uu u xajisto danihiisa qaran iyo kuwa istaraatiijiyadeed.

Joseph Nye, oo ah saynisyahan siyaasadeed oo Ameerikaan ah ayaa isku dhafiddan ku tilmaamay “quwad cajiib ah.”

Awoodda cajiibka ah ee Turkiga ee sii kordheysa ee Soomaaliya ayaa muhiim u ah labada dhinac. Marka la eego Turkiga, waxay ka dhigi kartaa dal door muhiim ah ka cayaaraya gobolka Geeska Afrika, isagoo sii ballaarinaya joogitaankiisa dalalka saxaraha ka hooseeya.

Soomaaliya marka la eegana, guul weyn ayay u tahay inay hesho saaxiib daacad ah la iskuna halleyn karo ah sida Turkiga isla markaana doonaya inuu caawiyo xilli ay xaalad adag ku jirto.

Dadka qaar ayaa qaba in wixii ka dhacay Afghanistan ay tahay inay cashar weyn u noqoto Soomaaliya, iyagoo qaba in taageero caalami ah aan la isku halleyn karin.

Isha: BBC

Hadalsame Media

Facebook Comments