Suuriya oo cashar lama filaan ah u dhigtay dayuuradaha weerarrada taatikaysan qaada ee Israel

0

(Dimishiq) 22 Agoosto 2021 – Ciidanka Daafaca Cirka Suuriya ayaa soo hoobiyey ilaa 22 gantaal oo ka mid 24 gantaal oo ay Israel kusoo gantey agagaarka Dimishiq, iyadoo kaashanaysa hubka Ruushanka.

Waxaa yaab leh in Israel ay weerarkaa dulmiga ah ay sidoo kale kula xadgudubtey dalka Lubnaan oo ay hawadiisa isticmaashay rukhsad la’aan, taasoo keentay ashtako ka timid nidaamka Bayruut.

Rear Admiral Vadim Kulit oo ka tirsan Xarunta Dib u Heshiisiinta Ruushka ee Suuriya ayaa sheegay inay 6 dayuuradaha taatikada Israel ay soo ganeen 24 gantaal oo ah kuwa la hago.

Yeelkeede, Ciidanka Suuriya ayaa dhulka soo dhigay 22 ka mid ah gantaalahaasi iyagoo adeegsanaya hannaanka Ruush sameega ah ee Buk-M2E iyo Pantsir-S, iyagoo aan loo gaysan wax dhimasho nafeed ah ama burbur kaabayaal ah.

Israel ayaa marar badan duqaysay fariisimo ku yaalla dalka Suuriya, balse tan markii ay heleen hubka Ruushka waxay bilaabeen inay ka fal-celiyaan weerarrada gardarrada ah ee lagu soo qaadayo, waana markii ugu horreeysey ee ay ilaa heerkan fasaqaan weerarkaasi.

Lubnaan ayaa dayuuradaha Israel ee hawadeeda soo galay uga ashtakootey QM, iyadoo ay weliba dayuuradahaa iska galay hawada Lubnaan ay dhaliyeen in khadkooda ay ka weecdaan 2 dayuuradood oo rakaab sida oo maray hawada dalkaasi.

Hadalsame Media