Ciidamada Daalibaan oo sheegay inay boqollaal ciidamadooda ihi u ruqaansadeen gobolka ugu dambeeya ee aysan weli qabsan

0

(Kabul) 22 Agoosto 2021 – Ciidamada Daalibaan ayaa maanta sheegay in “boqollaal” ka tirsan dagaalyahannadeedu ay ku wajahan yihiin dooxada Panjshir Valley, oo ka mid ah meelaha yar ee ka tirsan Afghanistan oo aan weli gacanta ugu jirin kooxdan.

Ahmad Massoud, oo uu dhalay hoggaamiye kooxeedkii Axmed Shaah Mascuud, oo ay ciidamadiisu gacanta ku hayaan aaggan ayaa Reuters u sheegay in waloow uu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Daalibaanka ay misna diyaar u yihiin inay sidoo kale dagaallamaan haddii la isku dayo in xoog lagu qabsado.

Yeelkeede, haatan kooxda Daalibaan ayaa xaqiijiyey in ciidamo iyaga ka tirsani ay u ruqaansadeen dhankaasi oo ah dooxo buuraleey ah oo ay dhib badan tahay in la qabsado, iyadoo ay ilaa maanta yaallaan raqda tawaangidii Soofiyeetka oo halkaa ku weeraray kooxdii la magac baxday Mujaahidiinta oo markii dambe u kala baxay Al Qaacida iyo Daalibaan.

Dhanka kale, Pentagon ayaa sheegay inay doonayaan inay dayuurado rayid ah u xil saaraan soo daabulitaanka dadka ay doonayaan inay kasoo daad gureeyaan dalka Afghanistan.

Taliban forces patrol a street in Herat, Afghanistan August 14, 2021. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES

Hadalsame Media