”Abid ma dhicin cadow sidan oo kale noo galay!!” – Daalibaan oo Maraykanka ku sameeyey arrin ay aad ugu foorjoobeen!

0

(Kabul) 22 Agoosto 2021 – Koox ka tiran hargaantiyaasha Daalibaan oo xiran isla qalabka uu Maraykanku siiyey ciidamadii jabay ee Afghanstan, ayaa galay sawir dacaayad ah oo ay aad uga xanuunsadeen Maraykanku, taasoo ay muxaafidka iyo saxaafaddu ku tilmaantay “meel ka dhacii & bahdilkii u dambeeyey.”

Sawirkan oo ay galeen Komaandooska Daalibaan ee Badri 313, ayaa iyaga oo xiran agabka Maraykanka oo ay ku jiraan ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko, ayaa dib u qaabeeyey sawirka caanka ah ee Dagaalkii 2-aad ee Dunida, kaasoo ay ciidamada Maraykanku galeen markii ay qabsadeen buurta Mount Suribachi Dirirtii Iwo Jima ee 1945-kii.

Iwo Jima waxay ka mid tahay jasaa’irka Volcano Islands ee dalkaasi Japan.

“Ma jiro cadow tanoo kale abid ku sameeyey Maraykanka ee minguuriyey sawirkii Iwo Jima iyagoo xiran qalabkeenna. Biden wuu gabay qof kasta oo Maraykan ah mid nool iyo mid dhintayba.” ayuu ku qayliyey Sebastian Gorka, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa nidaamkii Donald Trump.

Hadalsame Media