Muxuu Cumar Filish ka qabanayaa shirka Maamullada oo maanta Muqdisho ka furmay? (4 doodood oo dayacan)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2021 – Waxaa muuqata in Maamul-goboleedyadu ay si xishood la’aan ah ilaa xad ugu guulaysteen inay midigta ku dhigaan howl aysan xaq haba yaraatee u lahayn oo ah go’aaminta iyo weliba musuqidda doorashadii qaranka.

Markii hore dooddoodu waxay kusoo bilaabatay in laga talo geliyo taasoo aysan lafteeda xaquuq dastuuri ah u haysanin, balse haatan waxay ku dhamaatay inay iyagu ka taliyaan kaddib markii ay burburiyeen Guddigii Doorashada Qaranka, halka Federaalkii uu meesha ka yahay miisaal aan micne badan lahayn. Taas waxaan ka hadli doonnaa maalin kale.

Waxaa kulan kasta lagu qaadaa dhigaa muran iyo doodo ay wadaan maamullo wax kala jiidanaya iyo qaar dheeraan doonaya, iyadoo sida doorashadii qaranka loo dhacayba sidoo kale loo dhici karo xuquuqda qof kasta, haddii aanay jirin tillaabooyin lid ah oo aad isku difaacdo ama hindise siyaasadeed oo aad wixii kaa maqan ku doonato.

Maanta waxaan eegaynaa su’aasha ah; Maxaa micne leh oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qabtaa kulanka Maamullada ee lagu madadaaliyo?!!

Jawaabta adinkaan idiin daynayaa, balse waxaan eegayaa 4 arrimood oo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir sidii dhimbil u gubaysa oo aan marna lagu fikirin in wax laga qabto ha yeeshee aanu marna soo hadal qaadin Maamulka Gobolku, kuwaasoo kala ah:

1 – Maxaa maqaam la’aan dhigay Gobolka Banaadir?

2 – Maxaa misaal la’aan dhigay Gobolka Banaadir oo aanay cidina ku metelin labada aqal?

3 – Maxaa keenay in Gobolka Banaadir oo qur ihi uu canshuur siiyo DF Somalia?

4 – Maxaa keenay in canshuurta laga qaado kaligii uu ku yeesho boqolleey aad u yar oo haatan kaba hooseeysa 15% la go’aamiyey berigii Cabdullaahi Yuusuf?

Cumar Filish kaligii eedayn mayno oo Guddoomiye kasta oo kasii horreeyey sidaa ayuu u dhex fadhin jirey kulamada isaga oo magac u yaal, yeelkeede, maadaama uu isagu haatan xilkaa maqaar saarka u eg ku magacaaban yahay, waa inuu hindise la yimaadaa oo 4-taa qodob la tagaa shir kasta, haddii kale, xilka Guddoonka Gobolka Banaadir laftiisa ayaan ahayn mid run ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media