DAAWO: Daalibaan oo ay ka hor timid diidmadii 1-aad (Magaalo diiddey in la dejiyo Calanka Qaranka & dad ku dhintay)

0

(Jalalabad) 18 Agoosto 2021 – Ugu yaraan 2 qofood ayaa ku dhintay 12 kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii rasaas la huwiyey dad dibed baxayey oo ka dhiidhinayey in la dejiyo Calanka Afghanstan, magaalada Jalalabad.

Weriyaha Al Jazeera ee Rob McBride, ayaa sheegay in “in badan oo ka tirsan deganayaasha magaalada” Jalalabad ay iska caabbiyeen in la bedelo Calanka qaranka Afghanistan oo la saaro midka Daalibaan.

Waxaa lasoo sheegay in ay “magaalada iskugu soo bexeen boqollaal iyo xitaa kumannaan dad ah oo walfinaya Calanka qaranka oo maraya fagaarayaasha muhimka ah ee magaalada” sida ka muuqata muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada.

Daalibaan ayaa Calankii seddaxda midab lahaa ee dalka Afghanistan waxay ku bedeleen mid ka samaysan maro cad oo ay ku qoran yihiin Shahaadataynta Islaamku.

Hadalsame Media