”Qof kharash doon ihi dal ma hanto!” – 4 arrimood oo Afghanstan ka dhacday oo ay cashar ka baran karto DF Somalia

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2021 – Soomaaliya waxay noqon kartaa dalka kale oo ay ka baxaan ciidanka ajnabiga ah ee ilaalinaya 14-ka sano. Waxaa waajib ah in aan ka fogaano waxa ka dhacay Afganistan.

1. Dowladdii oo dalka ka carartay
2. Jabhaddii hubaysnayd (argagixiso) oo dalka qabsatay
3. Ciidan boqollaal kun ah oo hub, tababar iyo saad haysta (ka badan inta Taliban haysato) oo dalka difaaci waayay.
4. Dowladii oo heshiis awood qeybsi ama xataa awood ku wareejin la gali waysay Taliban.

Qodobadaan iyo dhacdooyinka kaleba waxay muujinayaan in siyaasiyiinta Afghanistan aysan dalkooda si daacad ah ugu adeegin 20 kii sano ee la soo dhaafay, laakiin ay isu arkayeen dad u shaqeynaya NGO uu Mareykanku leeyahay.

Farqi uma dhaxeeyo Soomaaliya iyo Afghanistan sababtoo ah dalkeena kama jiraan hay’ado dowladeed oo sii jiri kara, is difaaci kara ama wada-hadal gali kara haddii berri ay baxaan AMISOM, in kastoo aysan isku mid ahayn labada xaaladood ee Daalibaan iyo Al Shabaab, Soomaalida iyo Shacabka Afghanstan oo meelo badan aad ugu kala geddisan.

Waxa aan arki karnaa siyaasiyiin, ololeeyayaal, shaqaale dowladeed iyo qurbo joog taagan garoonka diyaaradaha oo baxsanaya. Waa dadkii dalka difaaci lahaa!

Qorshe qaran oo aan ciidanka AMISOM uga maarmi karno ayaan u baahan nahay, kaas oo awood iyo caqli Soomaaliyeed lagu meel marin karo. Mid ka mid ah wuxuu noqon karaa in Dowlad-goboleedyada la xoojiyo oo masuuliyadda ammaan ee dalka loo qeybiyo gobollada intii ay la carari lahaayeen qurbajoogta ka buuxda dowladda dhexe.

Waxaa Qoray: Yuusuf Aw Maxamuud

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media