”Maxaa la idiinkaga cararayaa?!!” – Sawirkani waa farriin ay tahay inay wax badan ka fikiraan Daalibaan, Shabaab & koox kasta oo ku aragti ah

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2021 – Waa gudaha dayuuraddii ay shalay dadku ka daadanayeen ee MC-17 Globemaster, waxaa xoog ku raacay 650 qofood oo Afghani ah waana tiro dhowr jeer ka badan qaadka dad ee loogu tala galay.

Waxay dadkaasi xusuusan yihiin sidii ay Daalibaanku dadka u laayeen markii 1-aad ee ay Kabul qabsadeen 90meeyadii, iyagoo haatan aamini la’ cafiska ay sheegayaan Daalibaan oo gobollada dad kusoo laayey sida ay xoguhu sheegayaan.

Waxay muujinaysaa arrimo badan oo ay tahay inay is waydiiyaan dunida Muslimku oo ay ugu horreeyso haddii diinta Islaamka si cadaalad ah loogu xukumo lahaa runtii dunidu sidan oo kale waxay ugu soo carari lahayd dunida Muslimka oo xikmad iyo qofnimo loo daba fariisan lahaaye lagama carareen.

Marka ragga leh waxaan u kifaaxaynaa ku dhaqanka Shareecada Islaamku ha is waydiiyeen waxa ay khaldayaan illeen Shareecada waa lagu soo maamulay dunida Muslimka waxaana lagu helay nolol, naq iyo nabade maxaa cararkan keenaya? Maxay tahay sababta looga baqanayo?

Dabcan jawaabta fududi waxay tahay in qof umaddii iska laynaya oo xoolohooda dhacayaa inuusan diinta uu sheegayo isaguba ku dhaqmayn ayay dadku dabcan arkayaan. Yaa banneeyey in qof Islaam ah la dhaco, ama cirdigiisa lagu xad-gudbo marar badan waxaa Somalia meelo ay ku jirto ka dhacda waalidiin gabdhohoodii xoog looga qaatay, sidee qofkaasi qaddiyadda aad waddo u aqbalayaa? Mase kula tahay in umad dhan xoog iyo caga-juglayn abid lagu hanan karo xukunkooda? Ma dhacayso malaayiin sano.

Waxaan sidoo kale is keenaynin hab-dhaqanka kooxahan oo ay is diiddadu ku badan tahay, tusaale ahaan, waxaan daawannay nin ka tirsan Daalibaan oo jejebinaya TV uu leeyahay waa shaydaan, balse ku duubaya telefoon gacmeed kaamiro leh oo uu doonayo in muuqaalkii uu iska duubay in lagu sii baahiyo, taasoo muuqaalkaas laftiisa ka dhigaysa shaydaankii uu sheegayey, waayo TV shaydaan kuma noqonayo TV ahaane waa wixii marba laga daawado.

Tan kale, sidee ayuu TV-gu bidco iyo shaydaan u yahay balse telefoonka, saacadda iyo qoriga casriga ihi ay caadi u yihiin?

Wacyigii ayaa markaa muhim ah, weliba waa inaad wacyi sare leedahay marka aad u xaydanayso inaad umad xukunto, haddii kale haadaamo ayaad ka xooraysaa aayohooda.

Dhanka kale, sida ku cad tirakoobyada lagu sameeyey maaliyadda Daalibaan, lacagta ugu badani waxay kasoo gashaa dhoofinta daroogada, halkee haddaba diinta uga jirtaa in daroogo la safriyo iyadoo Shareeco la oogayo ayna dhici karto inay qof u ciqaabaan daroogo ayuu isticmaalay?

Waxaad kaloo is waydiisaan marka aad umaddaa faraha badan qixisaan oo ay u gacan galaan dhaqamo qalaad oo kale, kuwii harayna ay cabsi iyo wer wer ku noolaadaan kaddibna ay soo weeraraan dalal shisheeye oo aan ku diin ahayn oo ay iyaguna laayaan, qaybiyaan, isku diraan, kala dilaan, idinkuna aydnaan xitaa lahayn awood aad uga celisaan amaba aydnaan doonayn inaad difaacdaan umad noocee ah ayaad soo saaraysaan natiijo noocee ah ayuuse dhalayaa halgankiinnu?

Wax miyaa ugu kordhay umaddii iyo diintii mise wax baa uga nusqaamay? Aaway naxariistii, cafiskii iyo dulqaadkii Islaamka? Aaway istaraatijiyaddii Islaamiga ahayd ee ku dhisan in laba daran lakala doorto? Aaway caqligii ay diintu aad u dhiirri gelisey in la gedgeddiyo? In maxastaada qurbaha fog lagu ba’sado yaa baday? In Gabadha Muslimka ah Xijaabka xoog looga siibo iyada oo habqan ah oo usoo qaxday Paris ama Lyon yaa baday? Maxaad u siin la’dahay kalsooni ay ugu noolaato gudaha dalkeedii xitaa haddii aadan awoodin inaad samayso wax kale? Maxaa nahdii ka qaaday umadda?

Taddabur iyo baaraandeg badan ayaa loo baahan yahay, si loo badbaadiyo umadda oo ay sharaf ugu noolaato sida asaaggeed, halkii ay dayuurad uu feceed samaystay ay ugu carari lahayd oo loo dumin lahaa dhaqankeeda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media