MUUQAAL NAXDIN LEH: Dad dhinacyada qabsaday dayuurad ciidan oo soo dhacay markii ay duushay (Daawo)

0

(Kabul) 16 Agoosto 2021 – Waxaa soo baxaya muuqaallo naxdin badan kaddib markii ay dad rayid ihi ay ku daba dhegeen dayuurad ciidan oo uu Maraykanku leeyahay, kuwaasoo soo dhacay isla markii ay dayuuraddu sii geleeysey hawada Kabul.

Waxaa la arkayey dadka oo dhinac ordaya qaarna ay garbaha haystaan markii ay dayuuraddu taxing-ka samaynaysey si ay uga duusho dhabbaha garoonka, iyagoo doonaya inay dayuuradda ku baxsadaan.

Waxaa la sheegay inay dad badani dayuuradda kusii dheganaayeen xitaa markii ay duushay iyadoo ay qaarkood haysteen hareeraha taayarrada.

Waxaa deeto la arkayey dadkii oo ay qaarkood kasoo daadanayaan dayuuradda markii ay hawada dhow gashay.

Waxaa lasoo sheegayaa maydadka dadkii soo dhacay oo ay qaarkood ku dul dheceen guryihii garoonka u dhowaa iyagoo jugtooda meel dheer laga maqlay.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media