Maxaa ka dhalan kara War Murtiyeedka maanta kasoo baxay Midowga Musharrixiinta?!! (Mid horay uga hoostay)

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2021 – War Muriyeedka ka soo baxay midawga musharixiinta waxaa ka muuqda dhawr arrimood oo mugdi u keeni kara xiriirkii ka dhaxeeyay iyaga iyo Maamul goboleedyada, waxaa kale oo uu isku dhac ka dhex abuuri karaa xiriirka kala dhaxeeya RW Rooble.

Madaxda Maamul goboleedyadu waxaa ay xeelad siyaasadeed u dageen Midawga Musharixiinta iyo Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxaa markii hore loo malaynayay in Madaxwayne Farmaajo oo kaliya uu diidanaa ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran ee Midawga Musharixiinta iyo ururada bulshada rayidka ah.

Waxaa la xaqiiqsaday in xeelado badan ay Madaxwaynayaasha maamul goboleedyadu adeegsadeen, si ay awood buuxda ugu helaan soo xulista xubna baarlamaanka labada aqal.

Arrintani waxaa ay isku aragti ka dhigtay Guddiga federaalka ee doorashooyinka qaran iyo Midawga musharixiinta, waxaana ay khalkhal galindoontaa shirka wadatashiga ee u dhaxeeya RW Rooble iyo Madaxda Maamul-goboleedyada.

Ugu danbeeyntii, waxaa adkaan doona dhaqanginta mid ka mid ah qodobada ku qoran warmurtiyeedka, kaas oo ah in shirka la balaariyo.

Sababtu waxaa ay tahay mar hadii uu shirka banaan joog ka yahay madaxwayne Farmaajo, sidee loo aqbali karayaa in madaxwaynayaashii hore, Midawga Musharixiinta iyo ururada bulshada Rayidka ahi ay door ku yeeshaan shirka.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media