Wiil iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay qaraxii Soobbe isna dhaawac ayuu mar dhow u dhintay, balse maalin dhowayd ayay dhacdo kale oo xanuun badan reerkii la kulmeen! + Sawirro

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2021 – Wiil iyo gabadh uu dhalay ayaa kaga geeriyooday Qaraxii 14 October 2017, isaguna wuu ku dhaawacmay. Gabi ahaan goobtii uu ku shaqaysanayey dambas ayey noqotay, kaddib ayaa guddigii tabarucaadka ee Gurmad Qaran meel yar u yabyabeen.

Rabbi ha u naxariistee isna dhawaan ayuu geeriyooday sida aan shalay maqlay, goobtii yaraydna waxaa la wareegay ubadkiisa mid ka midda, si uu u buuxiyo kaalinta kusoo banaanaatay.

Masiibo lugo leh waa tan e’ waxaa meeshii ay ubadku ku bariisaynayeen yimid, koox isku magacawday Bilic-soo-celinta Caasimadda oo wadada dheer ee Maka Al Mukarama kaliya ka hawl galayey, waxayna qashinka ku dareen, cooshadii yarayd ee ubadkii marxuunku ka dhintay ku bariisaynayeen, si walba oo ay u baryeen dhag jalaq looma siinin, oo nin kuusan, dharag ka muuqdo, aadna u labisan, dhar Fudashaari ah wata, ul yarna gacanta ku sita ayaaba si arxan daran ugu goodinnayey.

Dhankaas waa dhan. Hooyooyin hilibka iibiya oo dhawaan iyagana laga soo barakiciyey goobtii ay ku ganacsan jireen, maadaama dhismayaal waaweyn laga dhisay oo loo arkay inay bilicda dhismayaashaas lid ku yihiin, ayaa iyaguna qayb ka ahaa kuwa Miisaskooduu hilibku saarnaa qashinka lagu daray, oo waxaan runtii u jeeday iyagoo hilibkii gacmaha ku sita, dhinacna roob shuux ahi kaga da’ayo.

Damiir nool ma jiro iyo cid damqanaysaaye, dadkaas iyo kuwa ka sii liitaba, waxaa xaalufiyey dad dharagsan oo bariiskoodu maalin raadis ku xidhnayn.

Waxaase iyaduna yaab kale ah, Bilicda Xamar Weyne oo ay ku taalo xarunta guud ee Gobolka Benaadir iyo Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar oo ah goobta ugu wasakhda iyo qudhunka weyn magaalada qofka ay u muuqan weyday soo na dhaafay oo masaakiintaas soo doontay!?

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin

Hadalsame Media