Maraykanka oo hal arrin ka baryey kooxda Daalibaan haddii ay lacalla qabsadaan Kaabuul!

0

(Kabul) 14 Agoosto 2021 – Maraykanka ayaa Daalibaan waydiistey inay nabad geliyaan Safaaradda uu ku leeyahay Kaabuul, haddii ay lacalla qabsadaan caasimadda Afghaniyiinta, sida uu qorayo New York Times.

The New York Times ayaa xogta ka helay laba sarkaal oo sare oo Maraykan ah oo aanu haybtooda gaarka ah soo bandhigin, kuwaasoo sheegay in Maraykanku uu isaga oo maraya wakiilkooda Afghanistan, Zalmay Khalilzad, uu Daalibaan la xiriirey isagoo ka baryaya inay ogolaadaan inuu si nabad ah wixiisa u daad guraysto, haddii ay lacalla qabsadaan Kaabuul.

Kooxda Daalibaan ayaa usii ruqaansanaysa dhanka caasimadda, iyadoo qabsanaysa gobollo iyo degmooyin badan oo ku yaalla Afghanistan, kaddib markii ay bexeen ciidamadii Maraykanka iyo kuwii dalalka kale ee halkaa joogey muddo 20 sanadood a.

Maalmo uun kahor bixitaankii Ciidamada Maraykanka, waxaa hadlay Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Maraykanka, Ned Price said oo ballan qaaday inay howlaha diblomaasiyadeed ee Maraykanku halkaa kasii socon doonaan kaddib marka ay baxaan ciidamadoodu.

Safaaradda Maraykanka ee dalkaasi ayaa la sheegayaa inay weli ku sugan yihiin ilaa 4,200 oo shaqaale ah, kuwaasoo badankoodu u dhashay isla dalka Afghanstan, sida ay sheegtay WAD Maraykanku.

Hadalsame Media