Israel waa la tallaalay balse Falastiin lama tallaalin (Natiijo mucjiso oo kale ah oo ka dhalatay!!)

0
An Israel woman receives a third Pfizer-BioNTech COVID-19 vaccine in the Israeli city of Ramat HaSharon, Friday, July 30, 2021. Israel's prime minister on Thursday announced that the country would offer a coronavirus booster to people over 60 who have already been vaccinated. (AP Photo/Sebastian Scheiner)

(Washington, DC) 14 Agoosto 2021 – Siyaasiga Ron Paul oo aalaaba aad u dhaliila geed-fadhiga siyaasadda Maraykanka sidoo kalena saluugsan tallaalka cudurka Covid-19, ayaa soo bandhigay arrin la yaab leh.

Wuxuu soo qaatay xog muujinaysa in si wayn tallaalka loo gaarsiiyey Yuhuudda ku nool Israel, balse aan la tallaalin dadka reer Falastiin marka laga reebo boqolleey aad u hooseeysa.

Yeelkeede, marka la eego kiisaska cusub ee cudurka Covid-19 Israel waxay ka mid tahay meelaha ugu caabuq fidista badan haatan, halka Falastiin ay kiisasku aad u hooseeyaa, tiiyoo aysan tallaalnayn.

”Maxaa meesha ka socda?!” ayuu is waydiiyey Ron Paul oo dabcan kajamaya.

Dad badan oo ay ku jiraan khubaro caafimaad ayaa shaki ka muujiya tallaalka Covid-19 oo aan dabcan waqti ku filan helin iyo guud ahaanba sida loola xaalayo cudurkan faafaya ama waxa laga fahamsan yahay ilaa haatan.

Hadalsame Media