”Waxaan Muqdisho maanta ku arkay wax aan ku daawan jirey aflaamta Hindiga ah!” – Arrin nasiib darro ah oo dhacday & su’aalo ka dhashay

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2021 – Arrimo badan oo aan Filimaanta Hindiga ku daawan jiray ayaan saaka mid ka midda si toosa u arkay. Waxaan aaday Hospital arrin caafimaad aawadeed, safka iga horeeya waxaa ku jirta hooyo da’a ah, mise ay la socoto gabadheeda oo kaliya, horay waxay ugu tagtay Dr oo usoo sheegay in ay baadhitaan guud marto, ogsoonow la kulanka Dr waa 10$, haynta hooyaduna waa mid liidata, haddna Shay-baadh ayaa sugaya.

Sida caadada u ah Hosbitaalada ilaa aad lacagta shubto laguma baadhayo, oo xitaa adeeg laguu qaban maayo. Hooyadii waxaa xujo looga dhigay inay lacagta bixiso middaas oo aad u badnayd, iyaduna aysanba haynin, oo 10$ ee hore ayaaba dirqi ku ahaa, cid walba oo markaas ay wax ku tuhmaysayna wey wacday, se waxay kala kulantay wax la’aan.

Waxay ku laabatay gabadhii goobta lacag bixinta joogtay, iyadana sidoo kale diidmo qayaxan ayey kala kulantay. Marka koowaad Hosbitaalada in loo furtay ganacsi waa mid aan dhammaanteen ka wada dharagsanahay, balse waajibaadka koowaad ee saaran ayaa ah badbaadinta nafta, daryeelkeeda iyo u fidinta gurmad.

Waxaa mararka qaar suuragal noqota in qofkii u dhinto, lacag la’aan aawadeed iyadoo adeeg loo fidin karo, lana badbaadin karo.

Haddaba badbaadada naftu way ka muhiimsan tahay ganacsi iyo lacag raadinta, Dhakhaatiirta iyo Hosbitaaladu ha u muujiyaan naxariis iyo dabacsanaan bulshada inta taagta daran, laga yaabaa in markay badbaadiyaan lacagtooda loo celiyabe.

Haddaba waxaa isweydiin muddan; halkee ayey maraan lacagaha xadigaas ah ee ummadda laga guro? qaabkeese loo isticmaalaa? muxuuse yahay waxa dhabta ah ee bulshada loogu badalo?

FG: Hooyadii si wanaagsan ayaa loogu adeegay oo waa laga bixiyey lacagtii.

Waxaa Goobjoogey: Garaad Yaasiin

Hadalsame Media