”Somalia waa meesha ugu halisan ee lagu noolaado!” – Xiriirka IFRC oo ka digey halis soo fool leh!

0

(Geneva) 12 Agoosto 2021 – Xiriirka Caalamiga ah ee Bisha Cas iyo Laanqayrta Cas (IFRC) ayaa shalay ku baaqay in tillaabo deg deg ah la qaado si wax lagaga qabto xasillooni darrada dhanka quudka ah iyo cudurrada Somalia.

Agaasime Goboleedka IFRC, Mohammed Mukhier, ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay “meelaha ugu halisan dunida” ee lagu noolaado maadaama ay ka jiraan mushkilado fara badan sida kuwo cimilada la xiriira, dagaallo, cudurka Covid-19, oo saamayn xun ku yeeshay ugu yaraan 3 milyan oo qofood.

Waxay warbixintu intaa raacinaysaa in qof ka mid ah 4-tii qofba uu wajahayo cunto la’aan, halka in ka badan 800,000 oo carruur ah oo ka yar da’da 5-ta sanadood ay halis ugu yaraan nafaqo darro ba’an haddii aan lagala gaarin dawooyin iyo kaalmo cunto.

Xiriirka IFRC ayaa magaca Somalia ku doonaya $9.4 milyan oo doollar si loo caawiyo  563,000 oo Soomaali ah 18-ka bilood ee soo aaddan, kuwaasoo aan haysanin daruuriyaadka ay ka midka yihiin caafimaad, biyo, fayadhowr, waxbarasho iwm.

Siyaasadda Somalia ayaan gebi ahaanba wax muhiimad ah siinin arrimahan oo haatan noqonaya kuwo sanadle ah, taasoo Somalia u sawirtay dal u jira inuu dunida baryo ama magaciisa lagu baryo uun.

Hadalsame Media