Dhibka Soomaalida haysta yaan lagu soo darin hardan JINSI ku dhisan (Maxay tahay in la yeelo?)

0
one caucasian couple man and woman face to face screaming shouting dispute in studio silhouette on white background
(Hadalsame) 12 Agoosto 2021 – Wax badan ayaa bulsho ahaan naga khaldan rag iyo dumarba, dagaal jinsina naga saari maayo, dagaal jinsi ku dhisani waa uun qabyaaladdii oo dhinac kale oo weliba foolxun loo dhigay waa sida jirkii qofka oo la isku dirayo, waayo ragga iyo dumarku waa sida hal joog oo isku sidkan, sida diintaba ku cad.
 
Raggu wax badan oo ay ku khaldan yihiin ayaa jira oo ay diinta ku masabidaan balse aysan xaq ugu lahayn dumarka, dumar badanina xaq lagu leeyahay ayay dafiraan iyagoo maagaya ragga la xafiiltama, waxaasi waa inay joogsadaan.
 
Tan kale Dhedigoodka Galbeedka ka jira ujeedkiisu ma aha badbaadin dumar, dumarka Galbeedku iyagaa xorayn u baahan oo qaata magaca ninka, raggana ka mushahar yar dhanka shaqada, balse waa duminta qoyska istaraatijiyadda ka dambaysaana waa ka duwan tahay midda ay dad badani moodayaan waana yaraynta taranka insaanka, baabi’inta qiyamka umadda iyo xitaa in si fudud dibedda iyo daleellada looga helo gabadha aaminsan in la xoreeyey oo xuquuqdeedii loo dooday.
 

Si aan dhibka umadeenna dhinac kasta ka haysa xalinno waxay kaliya u baahan tahay annaga oo fahamna khaladkaadka aan geleyno oo aan sixiddooda si wadareed u wajahno, kuwaasoo aan ku xallismaynin rag iyo dumar hardamaya inuu kusii xumaado mooyee.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media