DHEGEYSO: Haween Daacish ku biiray oo carruur ay dhaleen khasab looga qaatay

0

(Stockholm) 12 Agoosto 2021 – Carruur ay dhaleen haweenka ku biiray ama ay qabeen dagaalyahannada Daacish ayaa waxaa khasab kula wareegey hay’aadka Sweden, sida lagu faafiyey wararka hilinka SVT oo mid mid u akhriyey go’aamada loo cuskaday arrintaasi.

Intii lagu jirey dayrtii hore, waxaa Turkiga iyo Suuriya laga soo celiyey 5 haween ah oo ka tirsan Daacish kuwaasoo watey carruur 10 gaaraysa, kuwaasoo dhamaantood ay la geeyey meelaha carruurta lagu xannaaneeyo, sida ay sheegayso LVU oo la socota sharciyada gaarka ah ee daryeelka carruurta.

Jonas Trolle, waa madaxa hay’ad ka shaqaysa kahortagga salka ku haysa cunfiga wuxuuna ka hadlayaa go’aamada.

Go’aamada maxkamaduhu cuskadeen ayaa waxaa lagu saleeyey inay carruurta yar yari cunfi u bandhignaayeen, tusaale ahaan ilmo yar oo 4-jir ah ayaa muujiyey sida wax loo dilo isagoo gacantiisa ku tilmaamaya dhuunta.

Gabar 12-jir ah ayaa la sheegay in khasab loogu guuriyey nin kale, sida ku qoran go’aamada kasoo baxay maxkamadaha ee loo cuskaday qaadashada carruurtan.

Hadalsame Media