DHEGEYSO: Fursaddan ka faa’iidayso haddii aad shirkad ku leedahay Sweden (Waa maxay?)

0

(Stockholm) 12 Agoosto 2021 – Jamciyad ay leeyihiin shirkadaha yar yar ayaa ka digtey in sharikaadku ay qarka u saaran yihiin inay kacaan ama musallafaan maadaama ay dib u bixin kari la’yihiin canshuurihii ku baaqday ee sida KMG ah gadaal loogu dhigay.

Yeelkeede, Wasiiradda Maaliyadda Sweden, Magdalena Andersson (S) ayaa wakaaladda Ekot u sheegtay in dowladdu ay dib u eegis ku samaynayso haddii ay jirto fursad lagu dheerayn karo waqtiga loo qabtay inay canshuurahaa ku bixiyaan kaasoo haatan lagu mudaynayo 12ka Maarso ee sanadka soo aaddan ee 2022-ka.

Xilligan ay jirto xasaradda maaliyadeed ee uu karoonuhu dhigay ayay dowladda Sweden waxay shirkadaha u ogolaatay inay dib u dhigi karaan canshuurihii laga qaadi jirey, taasoo ah agaasin ay ka faa’iidaysteen ilaa 50 kun oo sharikadood, oo khasnadda dowladda ku shubi lahaa lacag ka badan 51 bilyan oo karoon, waxaana haatan loo qabtay inay canshuurtaa kusoo celiyaan ugu dambayn 12-ka Maarso sanadka xiga.

Mark Sjölander oo dhowr makhaayadood ku leh Stockholm ayaa tilmaamay inay fiican tahay in lasii kordhiyo dib u dhigista canshuurtu maadaama ay xasaradda dhaqaale qaadatay bilo badan.

Hadalsame Media