Laba is qabaa ma is “kufsan” karaan? Doodan se sidee loo qaabayn karaa?

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2021 – Ma nihin dad caado u leh in waxa ay ka doodayaan ku saleeyaan run, fikir, aqoon iyo taariikh. Bal u fiirso oo masalo kasta oo ina dhex timaadda waxaa la galiyaa buuq iyo muran madhan oo ku dhisan waa la odhan jiray, waa ay ahaan jirtay iyo caaddifad.

Dumar badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Fatxiya Cabsiiye wax ay u firfircoon yihiin wax ay ku sheegeen xuquuqda dumarka. Waa arrin caalamka oo dhan ka oogan, reer Galbeedka oo ay ka soo baxday baana u gu daran meelaha ay ka shidan tahay ee la is ku ciddiyo jabay. Haa, waa masalo dabaysha casrigu wadato kana timid xorriyadaha reer Galbeedka ee furfurnaanta (liberalism), gaarnimada qofka (individualism), dheddigoodka (famenism), xorriyadda diinta (religious liberty), xorriyadda sheegista (freedom of speech), xorriyadda jinsiga (sexual freedom) iwm.

Arrimahaa kor xusan oo ah midho ka baxay ilbaxnimada cusub ee reer Galbeedka waxaa jira awoodo xooggan oo riixaya, kuwo dawladeed iyo kuwo gaar ahba. Asalku waa ilbaxnimada reer Galbeedka oo doonaysa in ay xuquuqda iyo xorriyadda dadka sida u gu sarraysa u bandhigto, laakiin ujeeddooyin aan tiro lahayn baa dhex raacaya ay ka mid tahay furfurista qaab dhismeedka bulshooyinka iyo joojinta taranka xawliga leh ee dadka.

Haddaba dooddan imika Hargeysa ka soo baxday ee ku saabsan sariirta labada is qaba run ahaantii waa dhibaato dhalad ah oo weligeen inna la taallay ayna tahay in aan la sharaysan ama la shisheeyayn. Afar qodob ayayna sida muuqata khusaysaa: 1) In si waafi ah loo ga hadlo waxna la ga qabto kufsiga iyo xadgudubyada kale ee dumarka ku dhaca, taas oo dumarku u arkaan in raggu ogaan isu moogaysiiyo, 2) in la joojiyo in hablaha carruurnimo la gu guursado, 3) in la joojiyo in gabadhu nin ayna doonayn la gu qasbo, 4) iyo tan u dambaysa ee maanta qayladu ka yeedhay oo ah in lammaanuhu u sinnaadaan doonista iyo xorriyadda sariirta.

Halkan Fatxiya iyo gabdhaha kale ee arrinta wada waxaa ka qaldamay xulashada eraybixinta markii ay adeegsadeen erayga ‘kufsi”, waayo ku ma qummana fahanka waxa la ga hadlayo. “Jujuubid”, “qasbid” iyo wax la mid ah ayaa ka ga habboonaa ujeeddada. Maxaa se keenay asalkaba in laba qof oo is qaba gogoshooda eed noocan ahi ka timaaddo? Waa arrin gaar ahaan dhaqankeenna ku salaysan, guud ahaanna dhaqannada dadyowg oo dhan.

Meesha waxaa ku jiri kara abuur xayawaannimo, waayo dadku wax uu weligiiba arkayay lab iyo dheddig xayawaan oo xilliga orgoodka dhulka is baacsanaya. Hiddaheenna gabadhu habeenka arooska ninka ma oggolaato ee awood kasta oo suuragal ah bay is ka ga caabbidaa, isaguna taa wuu ku talagalaa oo xoog aan arxan lahayn buu ka ga danaystaa. Sidaa in ay wax noqdaan waa barbaarin xun oo bulshadu lahayd oo gabadhu in ay sidaa yeesho wax ay ku muujisaa in ay dhawrsan tahay oo aanay hore u faro baran. Ninkuna in uu sidaa wax u jujuubo ragannimadiisa ayuu ku caddeeyaa la guna ansixiyaa. Erayga “kuurgal” macnihiisu waa iyada oo ay ninka caruuska ah ilmo adeerradii habeenka kowaad dhagaystaan bal in uu hawshii qabsaday iyo in uu u taag waayay, waxaana dhici jirtay in ay u qabtaan haddii gabadhu ka xoog roonaato. Bilowga sidaa u qallafsan baa saamayn dambe ku yeelan jiray dhaqanka gogosha ee labadaa qof noloshooda oo dhan.

Haddaba arrintu maanta u ma baahna buuq iyo olole Galbeedaysan ee wax ay u baahan tahay tarbiyad wanaagsan oo dhallinyarada la siiyo labada dhinacba. Dadku maanta wax bay barteen rag iyo dumarba, waana taa dhallinyaradu meel walba ku hayso sheekada iyo kaftanka loo yaqaan “romantic”. Markaa waxa loo baahan yahay waa barbaarin iyo wacyigalin hablahana gooni loo siiyo wiilashana gaarkooda, oo la baro in ay ceeb tahay in ay sida dameerka iyo dameerta isu baacsadaan is oggolaansho la’aan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments