Dad la sheegay inay dileen Ciidamada AMISOM oo maydadkooda la keenay Isbitaalka Madiina (Daawo)

0

(Muqdisho) 11 Agoosto 2021 – Dad shacab ah oo gaaraya ilaa 7 ruux oo la sheegay inay dileen ciidamada AMISOM ayaa maydadkooda la keenay Isbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho.

Dadkan oo rayid ah ayaa maydadkooda laga soo qaaday degaanka Golweyn oo ku yaalla duleedka Degmada Marka ee Gobolka Sh/hoose, waxaana dadkani isugu jiraan qaar beeraleey ahaa oo beerohooda laga soo kexeeyey, qaar baabuurleey iyo xitaa kuwo guryohooda lagala soo baxay.

Ehelada maydadka yaalla Isbitaalka Madiina ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan rayidka ah ay si kas ah u dileen ciidamada AMISOM oo meelahaa uu ku qabsaday dagaal ay ku qaaday kooxda Al Shabaab.

“Dadka qaar waxay kasoo dhex qabteen beerahoda qaarna waxay kaso baxsaden guryahooda qarna waxay ahayeen baabuurey, dhamantood xabado ayay madaxa kaga dhufteen kaddib ayay meel intey isugu geeyeen miino ku qarxiyeen si loo dhaho dadkan miino ayaa la qaraxday” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dadka la dilay.

Meydadka 7-dan qof ee yaalla Isbitaalka Madiina oo qaar lugihii uun laga arkay ayaa lagu warrmayaa in hilbahoodu ay ku jiraan Jawaanno maadaama ay miinadu googooysey jirkooda, iyagoo wacad ku maray inaan la aasi doonin inta ay arrintan soo faragelinayso DF Somalia.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media